Sunday, November 19, 2023

horumarka ilmaha sanad ilaa 2 sano / barns utvikling 1-2 år

 

Marka aynu ogaano in aynu ka hortagno dhibatoyinka caruurta ku soo baxa ee ku sabsaan hadalka, ama dabeecada ama rabno in aynu soo saarno inu ilmuhu cawimaad dheerad ah uu bahan yahay si aanu uga fogaan caruurta ay is leegyihin. 

waxaynu uu bahanay in aynu barano dabeecada ilmaha, horumarka maskaxda iyo sidu ilmuhu uu koro dada 1 ilaa 3 sano. inta badan xanadada iyo helsestasjonka astaamahan ayay ilmaha ka eegan ama cilmi gaar ah inu leeyahay. xagan waan soo koobaya waxa aad ka sugi kartid ilmahaga, hadii aanu wali baran waxyabahan waa in aad la xidhiidha pedhjem@gmail.com ama macalimada ilmahaga. 

ilmuhu marku 1 jir yahay: 

1. uu bilabay inu hadaaqo, wali muu hadal baran lakiin hada uu kula xidhiidhi kara. wuxu isticmalaya jdidhkisa, iyo wajigisi. tusale; marka aad waydisiid " caano ma rabta" wajigisa ayaad ka dareemi karta inu ku fahmay, ama uu qoslaya.  

ilaa sanad iyo badh 1.5 jir waxa aad dareemaysa inu kalmado badan iyo hadal badan fahmayo lakiin aany laga yaaba wali ku dhawaqayn. 

2. marku sanad jiro uu kari karaa hadii aad kubad uu turtid inu kuu soo celiyo, ama in aad wax isku dhiib dhiibi kartaan. tusale ciyaar baad uu dhiibaysa, uu kuu soo celinaya ama kubad baad turaysaa, isaguna markiisa uu turaya. 

3. magaciisa marka loogu yeedho uu fahmaya. soo jeesanaya 

4. da'dan marku ilmuhu jiro lama ciyaaro caruurta kale, uu ku ag ciyaraya uun, 

5.  hadii aad ku tidhaahdi " eeg" oo aad wax ag dhigtid in aad fokus kiisa soo jiidan kartid, waa muhim, hadii aanu kuu jawabayn isku day in aad ku cel celisid. tusale ahaan: ciyaar ama buug soo qaad, ama wax uu jecelyahay waxad tidhahda " eeg, kalay ila daawo" 

ilmuhu marku 2 jir yahay 

1.  hadalka uu isku xidhaya, waanu ku odhan kara " waxasan raba"  hadii uu ilmuhu laba luuqadood ku hadlo laga yaaba in aanu wali marka hadal baran. lakiin hada la soco wayo hadii ay 2 sano iyo badh kuu gaadho waa in aad la xidhiidha xananada. 

2.  Marku laba sano ilaa 2 iyo badh ilmuhu wuxu fahmaya inu wax badan 

3. sentence eraya uu isku xidhaya, erayo kooban buu ilmuhu ku odhanaya tusaale: Wxaan rabaa caano, guriga ayaan tagaya.  sidoo kalena uu ka jawabi karaa sualaha gabaan ee fudud. " maxad manta cuntay" ama " sharaab ma doonaysa". 

4. uu isku daya in uu caruurta kale la ciyaaro, ama uu isku tijaabiyo in kasto aanay mar walba uu surto galayn. 

Wednesday, November 15, 2023

Ilmaha hadalka ka raago, ama aan hadlin

 Caruurta marka ay hadal baranayan waxa aad ku ogaan kartid, iyo sida aad hadalka ilmahaga uga dhisi kartid. 

Hadalkgu waa waxyabah ugu muhimsaan ee uu ilmuhu barto, waayo xidhiidhka uu caruurta kale la yeelanayo iyo maskaxdiisa ayay dhisaysa. ilmaha uu hadalku iyo luuqadu ka dhisan tahay waxa uu fududanaysa wax barashada marku uu iskuulka bilaabo, iyo asxaab na uu yeelanaya. xiisadahana uu ka qayb qadanaya. markaa ilmuhu markaa goorma ayaa laga raba in uu hadlo, goorma ayanay tahay in laga warwaro hadii aanu hadlin? 

marku ilmuhu lix ilaa 10 bilood yahay waa inu hadaaqa. caruurta intooda badan marka kalmadaha way isku xidhi karaan sida "baba" "dada" iyo " mama". lakiin wax micno leh ugu ma fadhido. marka ay 1 sanad ilaa 1.5 marayan waa in ay isku dayaan in ay kalmadaha "dhadhamin" karaan oo ay kalmada sida " caano" ama " hooyo, aabo iyo kalmada kale oo ay isticmalaan.  

ilmaha 2 sano buuxiya ee aan wali hadlin waa ina aad macalimada barnehage la hadashid si ay uu baadhan ciladda jirta oo ay uga hor tagan. laga yaaba inu ilmaha wax badan fahmayo, lakiin hadii aany ku dhawaaqayn ama ku hadlayn luuqada. somali ha iyo norwaygi, oo anu kalmad ba lahayn  laga yaaba in uu hadalku ku adagyahay. 

waxyabaha ugu muhiimsan ee aanu walidka kula talino waxa weeyan in ilmaha lala sheekaysto, ama lala ciyaaro. bugaag lala akhryio. tusaale ahaan hadii dibada la joogo, oo uu ilmuhu ku arko bisad ama dhagax. in wakhti la geliyo oo markaa bissada looga sheekeyo, loo tilmaamo. tusaale 

example: 

ismacil 2 jir ayaa bisad arkay. Bisadaha uu jecelyahay. 

1. waad istagtay, bissada ayaad uu yeedhay ama uu dhawaysay ismacil. 

2. waxa aad tilmamaysa bissada " eeg, bissadani waay madoobday, waanay weeyntahay. waxan uu malaynaya in aay gajoonayso. ismacilow bissadu maxay jeceshahay?" 

3. waxa aad ka hadli karta bissadu siday uu eegtahay, inay afar lugood leedahay, dibb dheertahay, midabka, xaadeeda. waxay cunto, waxay cabto. 

hadana laga yaaba in aad guriga timaadan oo uu wax kale ismacil indhihisu qabsadaan. laga yaaba marku dharka iska saarayo in aad ka wada hadashaan kabaha, koodhka, funaanada, surwalkiisa iyo jeebadaha. 

maliinta marla laga yaba inu ismacil 1000 kalmadood uu maqlo. hadii aan ilmaha lala hadlin oo uu maqlo 100 kalmadood malin walba ama in ka yar oo ah " kalay, fadhiso, joog" ilmaha luuqadisa aad uu jilicsananaysa. 


Dhibatoyinka caruurta somalida haysata

waxan arkay in ay caruur badan p somali ah helaan cawimaad dheerad ah barnehage. mararka qarkood cawimaadasi way raacda ila iyo ilmuhu ka gaadhayo iskuulka. anigu wax cilmi baadhis ah kumaan samayn arrintan, lakiin dawlada norway ayaa aragtay in ay caruurta ajaniba uu badan yihin caruurta laga cawiyo dhanka wax barashada iyo horumarka maksaxda, iyo luuqada. madama aan aniguna somaliyaad ahay taasa igu kaliftay in aan si gaar ahan ah uu baadho oo aan uu fahmo sababaha caruurta somalida ah wax barashada ku adkeeya iyo sababta ay caruurta kale uga dambeeyan markaa le eego dhanka hadalka, luuqada iyo maskaxdoodu siday uu korayso. waa arrimo badan, lakiin manta wuxun baan tabanaya in yar oo ah waxan aan la kulmay ina aan barnehage ka shaqaynaya waxanan rajanynaya in aad idinku ah waliid ah na aad arrintan ila eegtan, oo aad fikirkiina ka dhiibtan. 

marka dhowr qosob baan ku soo koobaya. 

1. Side bay inta badan ka dareeman shaqalaha barnehage imaha, iyo astaamehe baa ilmaha lagu arkaa oo keena in cawimaad dheerad ah loo codsado? 

2. maxaynu ka qabana arrintan, bulsho ahaan  

hadaba madama ay arrintani tahay mid balaadhan, oo ay caruurto kala duban yihin. waxan ku soo koobayna uun caruurta barnehage dhigata aa da'du tahay 1-5 jir, iyo dhibatooyinka haysta. 

ilmaha somaliga ah wuxu inta badan barnehage kuu bilaaba isago 2 sano jira. lixda bilood ee ugu horeyaa ayay marka shaqalayashu dareeman in aanu ilmahani sida caruurta kale ahayn. laga yaaba inu carar badanyahay, aanu fadhisan karin in 2-3 min ka badan. marka ay caruurta kale aktivitet la sameynayaan, laga yaaba inu ilmaha somaliga u jeedin waxa la qabanayo oo uu markaa  ama cararo meesha, wax kale xiiseyo, ama labta miiska saaran daadiyo, wax afka galiyo. marka magaciisa loogu yeedho soo jeesan. taasi waa habka dabecada. 

dhanka luuqada laga yaba in uu hadalki ga raagay, oo aanu wali hadal baran. markaa astaamahaso dhan marka la isku geeyo, macalimdu waxay qaadaysa "warwar" oo waxay arrinta uu gudbinisaysa PPT. PPT waa marka dad cilmi uu leh caruurta aan caruurta kale isku talaabo lahayn, ama anay isku horumar lahayn in ay cawiyaan. ilmaha way baadhan, way uu fiirsadan. markay uu fiirsadana waxa ay arkaan inu ilmahani laga yaba 3 jir yahay lakiin maskaxiyaan 1 jir yahay. 

marka suasha aynu is waydinayaa waxa weeyan, maxaa keenay inu ilmahani isagoo 3 jir ah hada maskaxiyan marka la cabiro 1 jir lagu tilmamayo? marku 5 sano gaadho na waxa lagu tilmamaya in u 3 jir maskaxdiso tahay, oo uu sidaa uga dambeynayo mar walba.

 inshaAllah fikradiina soo dhiga, markasaynu isku dayayna in aynu ka jawaabi karno.