Wednesday, November 15, 2023

Ilmaha hadalka ka raago, ama aan hadlin

 Caruurta marka ay hadal baranayan waxa aad ku ogaan kartid, iyo sida aad hadalka ilmahaga uga dhisi kartid. 

Hadalkgu waa waxyabah ugu muhimsaan ee uu ilmuhu barto, waayo xidhiidhka uu caruurta kale la yeelanayo iyo maskaxdiisa ayay dhisaysa. ilmaha uu hadalku iyo luuqadu ka dhisan tahay waxa uu fududanaysa wax barashada marku uu iskuulka bilaabo, iyo asxaab na uu yeelanaya. xiisadahana uu ka qayb qadanaya. markaa ilmuhu markaa goorma ayaa laga raba in uu hadlo, goorma ayanay tahay in laga warwaro hadii aanu hadlin? 

marku ilmuhu lix ilaa 10 bilood yahay waa inu hadaaqa. caruurta intooda badan marka kalmadaha way isku xidhi karaan sida "baba" "dada" iyo " mama". lakiin wax micno leh ugu ma fadhido. marka ay 1 sanad ilaa 1.5 marayan waa in ay isku dayaan in ay kalmadaha "dhadhamin" karaan oo ay kalmada sida " caano" ama " hooyo, aabo iyo kalmada kale oo ay isticmalaan.  

ilmaha 2 sano buuxiya ee aan wali hadlin waa ina aad macalimada barnehage la hadashid si ay uu baadhan ciladda jirta oo ay uga hor tagan. laga yaaba inu ilmaha wax badan fahmayo, lakiin hadii aany ku dhawaaqayn ama ku hadlayn luuqada. somali ha iyo norwaygi, oo anu kalmad ba lahayn  laga yaaba in uu hadalku ku adagyahay. 

waxyabaha ugu muhiimsan ee aanu walidka kula talino waxa weeyan in ilmaha lala sheekaysto, ama lala ciyaaro. bugaag lala akhryio. tusaale ahaan hadii dibada la joogo, oo uu ilmuhu ku arko bisad ama dhagax. in wakhti la geliyo oo markaa bissada looga sheekeyo, loo tilmaamo. tusaale 

example: 

ismacil 2 jir ayaa bisad arkay. Bisadaha uu jecelyahay. 

1. waad istagtay, bissada ayaad uu yeedhay ama uu dhawaysay ismacil. 

2. waxa aad tilmamaysa bissada " eeg, bissadani waay madoobday, waanay weeyntahay. waxan uu malaynaya in aay gajoonayso. ismacilow bissadu maxay jeceshahay?" 

3. waxa aad ka hadli karta bissadu siday uu eegtahay, inay afar lugood leedahay, dibb dheertahay, midabka, xaadeeda. waxay cunto, waxay cabto. 

hadana laga yaaba in aad guriga timaadan oo uu wax kale ismacil indhihisu qabsadaan. laga yaaba marku dharka iska saarayo in aad ka wada hadashaan kabaha, koodhka, funaanada, surwalkiisa iyo jeebadaha. 

maliinta marla laga yaba inu ismacil 1000 kalmadood uu maqlo. hadii aan ilmaha lala hadlin oo uu maqlo 100 kalmadood malin walba ama in ka yar oo ah " kalay, fadhiso, joog" ilmaha luuqadisa aad uu jilicsananaysa. 


No comments:

Post a Comment