Wednesday, November 15, 2023

Dhibatoyinka caruurta somalida haysata

waxan arkay in ay caruur badan p somali ah helaan cawimaad dheerad ah barnehage. mararka qarkood cawimaadasi way raacda ila iyo ilmuhu ka gaadhayo iskuulka. anigu wax cilmi baadhis ah kumaan samayn arrintan, lakiin dawlada norway ayaa aragtay in ay caruurta ajaniba uu badan yihin caruurta laga cawiyo dhanka wax barashada iyo horumarka maksaxda, iyo luuqada. madama aan aniguna somaliyaad ahay taasa igu kaliftay in aan si gaar ahan ah uu baadho oo aan uu fahmo sababaha caruurta somalida ah wax barashada ku adkeeya iyo sababta ay caruurta kale uga dambeeyan markaa le eego dhanka hadalka, luuqada iyo maskaxdoodu siday uu korayso. waa arrimo badan, lakiin manta wuxun baan tabanaya in yar oo ah waxan aan la kulmay ina aan barnehage ka shaqaynaya waxanan rajanynaya in aad idinku ah waliid ah na aad arrintan ila eegtan, oo aad fikirkiina ka dhiibtan. 

marka dhowr qosob baan ku soo koobaya. 

1. Side bay inta badan ka dareeman shaqalaha barnehage imaha, iyo astaamehe baa ilmaha lagu arkaa oo keena in cawimaad dheerad ah loo codsado? 

2. maxaynu ka qabana arrintan, bulsho ahaan  

hadaba madama ay arrintani tahay mid balaadhan, oo ay caruurto kala duban yihin. waxan ku soo koobayna uun caruurta barnehage dhigata aa da'du tahay 1-5 jir, iyo dhibatooyinka haysta. 

ilmaha somaliga ah wuxu inta badan barnehage kuu bilaaba isago 2 sano jira. lixda bilood ee ugu horeyaa ayay marka shaqalayashu dareeman in aanu ilmahani sida caruurta kale ahayn. laga yaaba inu carar badanyahay, aanu fadhisan karin in 2-3 min ka badan. marka ay caruurta kale aktivitet la sameynayaan, laga yaaba inu ilmaha somaliga u jeedin waxa la qabanayo oo uu markaa  ama cararo meesha, wax kale xiiseyo, ama labta miiska saaran daadiyo, wax afka galiyo. marka magaciisa loogu yeedho soo jeesan. taasi waa habka dabecada. 

dhanka luuqada laga yaba in uu hadalki ga raagay, oo aanu wali hadal baran. markaa astaamahaso dhan marka la isku geeyo, macalimdu waxay qaadaysa "warwar" oo waxay arrinta uu gudbinisaysa PPT. PPT waa marka dad cilmi uu leh caruurta aan caruurta kale isku talaabo lahayn, ama anay isku horumar lahayn in ay cawiyaan. ilmaha way baadhan, way uu fiirsadan. markay uu fiirsadana waxa ay arkaan inu ilmahani laga yaba 3 jir yahay lakiin maskaxiyaan 1 jir yahay. 

marka suasha aynu is waydinayaa waxa weeyan, maxaa keenay inu ilmahani isagoo 3 jir ah hada maskaxiyan marka la cabiro 1 jir lagu tilmamayo? marku 5 sano gaadho na waxa lagu tilmamaya in u 3 jir maskaxdiso tahay, oo uu sidaa uga dambeynayo mar walba.

 inshaAllah fikradiina soo dhiga, markasaynu isku dayayna in aynu ka jawaabi karno. 



No comments:

Post a Comment